Xarakada Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay magaca njinkii daah furay Weerarkii habeen hore lagu qaaday Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho, waxaana weerarkan ka dhashay qasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Gaariga Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ee lagu dhuftay albaabka hore ee Hotelka Ambassador waxaa waday nin lagu magacaabayay Bishaar Cumar Aadan oo mudo sanado ah kasoo mid ahaa dagaalyahanada Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in Bishaar Cumar Aadan , uu ahaa ninkii daah furay weerarkii lagu qaaday Hotelka Ambassador, waxa uuna ninkan waday gaarigii lagu qarxiyay albabaka hotelka kahor inta aysan rag hubeesan galin dhismaha Hotelka.
Idaacada Andulus ee ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa wareysi ka qaaday ninkan isku qarxiyay Hotelka Ambassador kahor inta uusan weerarka fulin, waxa uuna sheegay in uu ku qanacsanyahay weerarka is qarxinta ah uu geesanayay.
Bishaar Cumar Aadan , ayaa kooxda Al-Shabaab waxa ay ku sheegeen in uu ahaa nin geesi ah oo kasoo qeyb qaatay dagaalo badan ay kooxda la gashay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya, ugu dambeyna isku qarxiyay Hotelka Ambassador.
Weerarkii lagu qaada Hotelka Ambassador waxaa ku dhintay in ka badan 20-qof oo u badnaa dad shacab ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 50-qof oo kale, qasaaraha ugu badan ayaana dadka kasoo gaaray gaarigii lagu qarxiyay albaabka Hotelka.