waxaa degmada mada carmo ee gobalka bari lagu daah furay xarunta kubada cagta ee carmo “Carmo sports centar”
xaruntan ayaa ah mid ay bulshada uga baahi tiri doonta baahadi ay u qabeen garoon casri ah oo la mida garoonada caalmka .
galabnimadii waxaa garoonka lagu qabtay ciyaar furitaan ah oo dhex martay labo naadi oo kala ah xulka degmada carmo ay maal galanaysay shirkadda golis iyo naadi kaloo marti ahyd oo lagu magacaabo xulka xaaji mire ayna maal galinayey farshaxaniistaha AMIR ARTS
Ciyaarta oo socotay hal saac ayey ku soo dhamaatay 2-3 ayna guusha ku raacday xulka xaaji mire uu maal galinayey farshaxaniiste AMIR ARTS
ka dib markay soo diltaay ciyaartii waxaa loo dareeray salaadii maqrib isasoo laabasho kadib waxaa laguda galay xaflad kooban lagu xarig jarayo garoon ka

siciid cabdilaahi deni & siciid cabdiraxmaan qablan
ugu horayntii xafladda waxaa ka hadlay mulkiilaha garoonka cabdi khaaliq moxamed ismaaciil oo sheegay in garoon ka u ufu reen baahi ay bulshada u qabeen siiba dhalin yarada uu sheegay inay san haysan garoon casri ah oo ay ku ciyaaran

cabdikhaaliq maxamed ismaaciil
muse mire oo ku hadlayey afka nabadoonada ayaa sheegay in garoon nabada wax tar u yahay kana qayb qaadan karo nabada iyo badbaadinta dhalinta qurbaha ku sii qul qulaysa

nabadon muse mire
ugu dan bayntii waxaa xafladda si wada jira u soo xiray musharaxa u taagan xilka madax wayne ee Somalia musharax siciid cabdilaahi deni iyo gudoomiye ku xi geenka degmada carmo siciid cabdiraxmaan qablan oo wada sheegayn inay garoon kan cusubi tahay horumar u soo hoyotay shacabka puntlan gaar ahaan shacab magaalada carmo
Koob kiina ay gudoon siiyeen naadigii galabta badisay
Mohammed faarah baaruud
EMAIL:Baaruud2012@gmail.com
Tell:+252907763444
Facebook: https://www.facebook.com/xaaji.baaruud
www.puntlander.com
xafiiska carmo