Diyaarad siday Guddoomiyaasha labada Aqal iyo Madaxweynihii hore oo ka soo duushay Istanbul

Saaka abaaba 7:00 ayaa waxaa  Garoonka diyaaradaha Istanbul ka soo kacday Diyaarad qaas ah oo sida wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayna wehliyaan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole.

 

Masuuliyantan  ayaa ka mid ahaa dadkii ku go’doomay dalka Turkiga, bil ka hor markii Adduunka oo dhan uu haliyay duulimaadyadii, kaddib markii cudurka safmarka ee Coronavirus uu ka dilaacay, ayna dad badan u dhinteen, kuwo kale oo aad u fara badan uu soo ritay

Maxamed Mursal Iyo Abdi Xaashi ayaa ku sugnaa dalka Turkiga, intii uu fasax ku jiray baarlamaanka labada aqal, waxaana ay wadajir u soo saareen baaq ku saabsan in furitaanka kulamada Baarlamaanka dib loo dhigay, sababo la xiriira Coronavirus.

maalmaha ciida kadib ayaa lagu wadaa in barlamaanka la fariisin doono