Madaxweynaha La-doortay ee DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud waxay maanta Kulan Khaas ah ku yeesheen Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia.
Kulankooda oo ahaa mid albaabadda u xirnaa, lamana oga waxyaabaha ay sida khaaska uga wada hadleen.
Madaxda waxay kaloo soo kormeereen Dhismayaasha Villa Somalia, iyagoo warbixino ka dhegeystay Hawlwadeenadda ku sugnaa Xarumaha ay booqdeen.
Kulankooda ayaa ku soo dhamaaday Jawi Wanaagsan, sida lagu sheegay Hadal ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Villa Somalia.