Weerar madaafiic loo adeegsaday ayaa saaka lagu qaaday saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Soomaaliya oo ah Garoonka Balidoogle oo ku yaalla duleedka degmada Wanle-weyne ee gobolka Sh/hoose.
Al-shabaab ayaa baraha Internet-ka ee taageera ku sheegtay in madaafiic hoobiyeyaal ah ay weerareen saldhigga Balli-doogle.
War ay soo saartay Al-Shabaab ayay sidoo kale ku sheegtay in saldhigga Balli-doogle ay ka kacaan dayuuradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanku duqeymaha kaga geysto Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Maamulka gobolka Sh/hoose ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan weerarkan, lamana hayo faahfaahin ku saabsan khasaaraha duqeyntan.
Saldhigga Balli-doogle ayaa waxaa jooga boqolaal askari oo Maraykan ah kuwaasoo halkaas ku tababara ciidamada Kumandoska Somalia, dhinaca kalena waxaa saldhigaas isticmaala dayuuradaha wax duqeeya ee Maraylanka kuwaasoo duqeyno ka fuliya goobaha ay joogaan Al-shabaab.