-Wafdi ka socda Ururka Midowga Afrika oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlgalka AMISOM ee Soomaaliya uusan haysan saad ku fulan oo ay ku sii wadi karaan howlgalkooda.
Guddigaasi ayaa oo qiimeyn ku sameeyay howlaha shaqo ee Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa xusay in aysan caalamka ka helin taageero buuxda.
Col Mor Mbow oo ah madaxa wafdiga ka socday Midowga Afrika ayaa sheegay in dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ay ka doonayaan in ay sare u qaadaan taageerada dhinaca saadka ee howlgalka AMISOM.
Mbow ayaa intaasi ku daray haddii ay Ciidamadooda Soomaaliya ku sugan helaan taageero wanaagsan ay si hufan u wadi karaan shaqada ay ka hayaan gudaha Soomaaliya.
Ugu dambey waxa uu xusay in mas’uuliyadda taageerada dhinaca saadka aysan saarnayn xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya, balse sidoo kale laga doonayo dalalka Ciidamadooda ay joogaan Soomaaliya ee Midowga Afrika.