Suldaan Maxmed S.C/qaadir Suldaanka Guud ee Beelaha Isaaq: Allaylehe Cimaamadii baa kaa dhacday!!! Suldaanow Siyaasada iyo Dhaqanka kala saar!! Eexdana jooji!! (Daawo Video).

Suldaan Maxmed S.C qaadir Suldaanka Guud ee Beelaha Isaaq. Suldaan Maxmed S.C/qaadir Suldaanka Guud ee Beelaha Isaaq: Allaylehe Cimaamadii baa kaa dhacday!!! Suldaanow Siyaasada iyo Dhaqanka kala saar!! Eexdana jooji!! (Daawo Video).

Suldaanow Garaad Jaamac iyo Cali Khaliif ma waxad ku colaadinaysaa in ay Maamulka Beeshaada dagaal kula jiraan?!! Miyaanay iyagu xaq u lahayn rabitaankooda iyo in ay u doodaan xuquuqda Beeshooda, sidaad adba ugu doodaysid rabitaanka guracan ee Beeshaada?!! Sidee ayaad Suldaanow ugu dhiiratay inaad Isim dhigaaga ah, oo weliba

Kaa facwayn, aad dusha uga saarto, eed aanad adigu ka garniqin, oo aanad cadaynteeda hayn?!! Ma wixii xunba xaawaa leh baa xaalkaagu, oo marba hadaan siyaasada isaga soo horjeedno, wixii aan doono baan dusha ka saarayaa baa?!! U malayn maayo hadalkaaganu in uu siyaasadna wax kaaga taraayo, wuxuu kaa sii xumayo mooyaane!

Tan kale waxad tahay Suldaanka Guud ee Beeshaa balaadhan ee Isaaq, yacni waxaad tahay Suldaan Soomaaliyeed, iyadoo beesha balaadhan lagugu ixtiraamaayo, dadka SSC aad bay uga raja qabeen inaad wax ka qabato dhibta kala dhexaysa beeshaada sida guracan waxaanay xaq u lahayn u raadinaysa!! Hase yeeshee nin waliba maanta

Candhuuftiisa  ayuu dib u leqay, sababta hadalkaaga aan lagu tilmaami karin mid Isim soo jireen afkiisa ka soo baxay!!! Aniga oo qof caadi ah ah, oo weliba mucaarad ku ah Cali Khaliif maan jeclaysan hadalkaaga, bal waan ka yaq yaqsooday!! sidaas darteed Allaylehe Suldaanow Cimaamadii ayaa kaa dhacday Maanta, ee Siyaasada iyo dhaqanka kala saar, garta eexda ahna jooji!!!.

Halkan ka Daawo hadalka gefka ah ee Suldaanka

Wabillaahi atowfiiq

Ciise Maxamuud Aadam

almutawaadic@yahoo.com