War Deg Deg Ah: Wasiirka Dakadaha Puntland oo Qirtay Dakada weyn in Garacad laga dhisayo.

image image image imageWaxaa Ugu danbeyn Caawa qiray in Dakada weyn laga dhisayo Tuulada Garacad Halka Boosaaso lagu darayo 1Km. Warbaahinta Puntlander oo aheyd Warbaahintii ugu horeysay daboolka ka qaaday Warka Dakada Boosaaso ayaa horey u daabacdey Dakadii Boosaaso loo Dhisi lahaa in loo Wareejiyay Tuulada Garacad. Wasiirka Dakadaha Puntland Abdulaahi Jaamac Saalax oo Caawa Warmurtiyeed qabtay ayaa ku faah-faahiyay Mashruuca Garacad Isagoo dib uuga Soo noqdey Tuulada Garacad oo uu geeyay Wafdi Reer Imaaraad Ah. Wasiir Abdulaahi Jaamac Saalax oo rabey inuu beeniyo Warkii la daabacay ayaa Caawa Afkiisa ka qiray in Dakada Boosaaso lagu darayo Hal Kiilomitir. Halka Tuulada Garacad loo Dhisi doono Dakad weyn. Waxaa halkaa Ka cad Dakadii weyneyd in loo Wareejiyay Tuulada Garacad halka Boosaaso Dakadeeda lagu darayo 1Km. Waxaa wax lagu Qoslo Ah Dakada Boosaaso oo la Rabay in la Balaariyo laguna daro Dhismo-weyn oo ey Dowlada Imaaraadku balan-qaaday in laga Wareejiyo Mashruucii laguna Qanciyo Reer Bari 1Km oo Balaarin Ah. Ma aha wax la aqbali karo Khiyaaanada Mashruuca Boosaaso lagula kacay waana mid loogu baaqayo Waxgaradka Reer Bari iney Fadhiga ka kacaan. Waxaan Cadeyneynaa in Mashruucii Dakada Boosaaso loo Wareejiyay Tuulada Garacad isla markaana aan ka digeyno Cawaaqib xumo Iyo Bur Bur Puntland. Waxaan lee nahay Madaxweynaha Puntland ma Aqbaleyno Adoo Gobolkaagi lagugu heysto inaad Boosaaso Xuquuqdeedi duudsiiso. Reer Bari Waxaa loogu baaqayaa iney Fadhiga ka kacaan oo ey ka Banaanbaxaan Dulmiga Dahsoon ee uu wado Madaxweynaha Qabyaaladu madax martay.

 

Golaha Baraaruga Reer Bari

Boosaaso